U bood dhigaalka

Askar Kumaandoos ah Oo Tabobar Looga Furey Deegaanka Jazeera

Sheeko:Dalka

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Cali Diini ayaa maanta deegaanka Jazeera ee Shabeelada Hoose tabobar oga illaa 100 askari oo ah kuwa sida gaarka loo tabobarayo ee loo yaqaano Danab.

Sidoo kale goobta ayaa waxaa dhoolatus iyo dab-rid kusoo bandhigey ciidamo kale oo Danab ka tirsan.

Wasiirka gaashaan dhiga soomaaliya mudane Cabdiqaadir sheekh Cali Diini ayaa u sheegay ciidanka kumaandooska ee maanta dhoolatuska sameeyay iyo kuwa uu tababarka u furay intaba inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta ay ku dhex leeyihin dalkooda iyo dadkooda , isagoo uga digay isticmaalka mukhaadaraadka oo uu qaadka ugu horeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay dib u hawlgaliso ciidamo tayo leh oo wajihi kara hawlaha waaweyn ee horyaala.

Goobjoog News