U bood dhigaalka

Askar Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay  askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Qolyaha askarta dilka u geystay  ayaa ahaa dhalinyaro ku hubeysanaa Bastoolad kuwaas oo toogtay laba askari  xili ay ku sugnaayeen Ceelasha biyaha, qolyihii dilka geystay ayaagoobta isaga baxsaday ka dib toogashada askarta.

Ciidamado ka tirsan dowladda oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday meydka askartii la dilay iyagoo sidoo kale halka wax ka dhaceen ka sameeyey baaritaanno  lagu ogaanayey qolyihii dilka geystay lakiin lama sheegin cid loo qabtay.

Duleedka Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaco dilal qorsheysan oo loo geysto ciidamada iyo weerarro lagu dilo inta badan ciidamo  iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News