U bood dhigaalka

Askar loo Xiray Dilkii Taliye Maadeey Suleebaan

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in xabsiga la dhigay ciidamadii ku sugnaa  Koontaroolikii habeenimadii xalay lagu rasaaseeyay gaari uu watay  Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Komandooska ee  xoogga dalka oo ahaa Maadeey Suleebaan, kaas  oo lagu rasaaseeyay koontaroolka ku yaala nawaaxiga Ex Baar Shabeelle, taas oo keentay inuu sargaalkii uu u geeriyoodo dhawaac ka soo gaaray rasaastaasi.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen oo war quraal ah soo dhigtay barteeda Twitter ka ayaa sheegtay in ciidamadii ku sugnaa Koontaroolkii lagu dilay sarkaalka ciidanka xoogga la xiray, ciidanka Boolikana ay wadaan baaritaanno la xiriira sababtii ka danbeeysay in la rasaaseeyo gaariga  taliyaha.

Sidoo kale Sarkaalkaan lagu dilay israsaaseenta ka dhacday Koonntaroolka Hotel Naaso Hablood laba waxaana soo baxaayey warar kala duwan asbaabta dhalisay in ciidanka ay mar qura rasaas ku fururaan gaariga uu watay sargaalka.

Dhinaca kale,  Maadeey Suleebaan waxaa uu ka tirsanaa ciidamada Komaandoosta isaga oo ahaa taliyihii ururka Gorgor ee dhawaan howlgalka kula wareegay deegaanna dhowr ah oo dhaca gobalka Shabeellaha hoose gaar ahaa Owdhiigle waxaana tabarro dhowr ah uu ku soo qaatay dalka dibaddiisa.

Dhacdooyinka la xariira is rasaaseenta dhex marta ciidama iyo kala shakiga ilaalada Hotteelada ayaa ka dhacda magaalada Muqdisho ayadoo klaa shakigaas ciidamada rasaasta ay isweydaar sadaan ay ku geeriyoodaan dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacabba.

Goobjoog News