U bood dhigaalka

Askari Caawa Lagu Dilay Degmada Dharkeenley Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda macallin Nuur ayaa sheegaya in koox ku hubeysan bistoolado ay dileen askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaliya.

Dilka kadib waxaa la sheegay in halkaasi ay ka baxsadeen raggii wax diley, iyadoo la sheegay in askariga la diley aad looga yaqaanay xaafadda dilkan uu ka dhacay.

Waxaa goobta dilka uu ka dhacay gaarey ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo wada howlgallo baaritaan ah.

Maamulka degmada Dharkeenley iyo saraakiisha amniga ee degmadaasi weli wax war ah kama aaney soo saarin dilkaasi.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan dambe kusoo batey magaalada Muqdisho, waxaana xalay sidan oo kale magaalada uga dhacay dilal u muuqday kuwo qorsheysan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News