U bood dhigaalka

Askari Dil Ka Geystay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Askari la sheegay katirsanaa ciidamada booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Askariga ayaa qofka shacabka ah ku dilay xaafada Waabari ee magaalada Dhuusamareeb, waxaan lagu magacaabayey marxuumka Axmed Isteeli, oo kamid ahaa dhallinta magaalada.

Dilka ayaa yimid ka dib markii marxuumka dhintay iyo askariga ay marmeen. waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan askarigii dilka u geystay ruuxa shacabka ah.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa  kawada howlgallo lagu baadi goobayo askarikii dilka geystay oo la sheegay inuu goobta isaga baxsaday.

Goobjoog News