U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Booliiska DFS Oo Haweeney Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka Booliiska uu diley Haweeney ka mid ahayd shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Askarigan ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo isugu soo baxay dagaal dhexmaray dad deris ah, balse waxaa halkaasi ku dhimatay Hani Ismaaciil Yuubane.

Askarigii falkaasi ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, sida ay inoo sheegeen dad ku dhaqan halka dilkan uu ka dhacay.

Dhanka kale, ciidamada Booliiska degmada Dayniile ayaa wada howlgal ay ku raadinayaan askarigii dilka ka dambeeyey.

Saraakiisha ammaanka degmadaasi ayaa sheegay in haddii ay gacanta ku soo dhigaan askarigan cadaaladda la marsiin doono.

Goobjoog News