U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Oo Magaalada Baladweyne Ku Dhaawacay Labo Qof Oo Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti uu Labo qof shacab ah ku dhaawacay xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Qof ku sugan magaalada Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News in askarigan ay murmeen haweeney uu Khaat ka iibsanayey, kadibna rasaas uu furay ay sababtay dhaawaca Labo qof oo halkaasi ka dhawaa.

Haweeneyda rasaasta lagu furay waxaa la xaqiijiyey inay bad qabto, iyadoo durba uu askarigii falkaasi ka dambeeyay uu halkaasi ka dhaqaaqay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News