U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Geeriyooday Kadib Markii Uu Jiiray Mid Ka Mid Ah Gaadiidka AMISOM

Sheeko:Dalka

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhintay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, ka dib markii uu jiiray mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada AMISOM.

Askariga dhintay ayaa la sheegay inuu saarnaa gaari nooca Soomaalida u taaqan Cabdi Bile, gaariga oo xoog u socday ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhacay, kadibna gaariga AMISOM oo gaarigaasi daba socday uu jiiray, halkaasina uu ku dhintay.

Saciid Canjeex oo ka mid ah maamulka degmada Kaxda ee gobalka Banaadir oo gaaray halka falkaan uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News, in Meydka askariga ay qaadeen ciidankii la saarnaa gaariga Cabdi Bilaha, islamarkaana weli aysan hayn faah faahin intaan ka dheer.

Inooma suurta gelin inaynu helno askarigaan dhintay ciidanka uu ka tirsanaa, magaciisa iyo derajadiisa intaba.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News