U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay rag hubeysan ku dileen halkaasi askari ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka (Taraafiko).

Ragga wax dilay ayaa ku hubeysnaa bistoolado, waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta isaga baxsadeen.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana ay wadaan howlgallo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News