U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Dowladda Oo Degmada Afgooye Ku Dilay Haweeney Uur Leh

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka ah uu degmadaasi ku dilay Haweeney Uur leh misane ganacsato ahayd.

Qof ku sugan degmadaasi ayaa inoo sheegay in askarigaan oo ka tirsan dowladda Hoose uu qaadayay lacag la sheegay in ay canshuur ahayd, hase ahaatee ay yara murmeen Haweeneyda geeriyootay oo mehrad ganacsi ku lahayd suuqa degmadaasi, ka dibna rasaas uu ku furay.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobta ka baxsaday askarigii falkaasi ka dambeeyay, iyadoo goobta ay gaareen ciidamo kale oo dowladda Federaalka ah.

Degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose waxaa sidaan oo kale ugu soo badanayay falalka dilalka ah, iyadoo ammaanka degmada uu noqday mid aan la’isku haleyn karin.

Goobjoog News