U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Dowladda Oo Qof Shacab Ah Ku Diley Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu qof shacab ah ku diley Laami yaraha Zoobe, dhanka degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge ku sugan halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in qofka dhintey ee shacabka ahaa uu watey gaari nooca NOHA loo yaqaan, halka askariga wax dileyna uu saarnaa gaari nooca dagaalka ah oo ciidamo kale ay la socdeen.

Labo xabadood ayaa la sheegay in askarigan uu ku ridey gaarigaasi, waxaana ay xabaddu ka haleeshay dhanka sare ee jirkiisa, iyadoo uu halkaasi ku dhintey.

Askarigii wax diley iyo sidoo kale gaarigii uu la socdey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News