U bood dhigaalka

Askari Ka tirsanaa Ciidamada Oo Lagu Dilay Xamarweyne

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu toogtay dagmada Xamarweyn ee gobolkan Banaadir.

Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogtay askarigan oo ka tirsanaa ciimada xoogga dalka xilli uu dhex marayay suuqa bacadlaha ee dagmada Xamarweyne , marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabijiray Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle, kooxii dilka geestay ayaa isaga isaga baxay  goobtii ay askariga ku toogteen isaga baxsaday

Ciidamada saldhiga dagmada Xamarwenye  ayaa durbaba goobta soo gaaray waxa ka qaadeen goobta meedkii askarigii, ayagoona ka sameeyay baaritaan nawaaxiga goobtii toogashada ay ka dhacday kaas oo lagu baadigoobayo ragii ka danbeeyay toogashada, lakiin ilaa hada majiraan cid loo soo qabtay toogashada loo geestay askariga ka tirnaa ciidamada dowladda.

Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaco magaalada Muqdisho, waxaana aad u adag in la helo dadka arrimahaasi ka dambeeya.

Goobjoog News