U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsanaa DFS Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Rag hubeysan ayaa goor dhow waxa ay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Askariga la dilay ayaa watay Mooto nooca Fekon loo yaqaan, waxaana la sheegay in ragga dilka geystay ay iyaguna sidoo kale wateen Mooto kale.

Dilka kadib ayaa raggii hubeysnaa waxa ay qaateen qori AK-47 ah oo askariga uu watey, iyaga oo halkaasna isaga baxsaday.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska oo goobta gaaray ayaa sameeyey baaritaanno, waxaana halkaasi ay kasoo qaadeen meydka askariga la dilay.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News