U bood dhigaalka

Askari Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galinkii danbe ee maanta waxaa lagu dilay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolada ayaa askarika toogtay xili uu ku sugnaa meel aan sidaa kaga fogeen xarunta ganacsiga ee Ruqsan Mall ee xaagadda Suuq Bacaad ee demagada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darayo in kooxii dilka u geystay askariga ay goobta iskaga baxsadeen ka dib markii ay dilka geysteen, waxaana ila goobta soo gaaray ciidama fara badan dowladda ka tirsan kuwaas oo goobta baaritaanno ka sameeyey.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa badanaa ka dhaca dilal qorsheesan kuwaas ay la kulmaan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah waxaana dhacda in badanaa qolyaha dilal fuliya ay ka baxsadaan goobta ay dilka ka geysan.

Goobjoog News