U bood dhigaalka

Askari Lagu Eedeeyay Dilka Askari Jabuutiyaan Ah Oo Lagu Dilay Buuloburde

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta gobolka Hiiraan ayaa xaqiijisay in la dilay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo ku eedeysnaa inuu dilay askari ka tirsan ciidanka Jabuuti ee ku sugan degmada Buuloburde.

Maxamed C/qaadir Maxamed, guddoomiyaha maxkamaddaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in Jimcihii shalay la toogtay askarigan kadib markii uu iska caabin kahor keenay askar uu sheegay guddoomiyaha iney isaga soo qaban lahaayeen.

Wuxuu tilmaamay iney jareen warqaddii lagu soo xiri lahaa askariga wax dilay iyo sidoo kale askar kale oo la joogtay, hase ahaatee iska horimaad ay la galeen ciidamada ayuu sheegay inuu ku dhintay askarigii dilka lagu tuhmayey.

“Magaalada Buuloburde waxaan u tagnay kiiska la xiriira dilka askariga Jabuutiyaanka ah, waxaan ammarnay in lasoo qabto askarigii wax dilay, hase ahaatee 21-kii bishan waxaa la helay xog ah in raggii dhibka geystay ay ku sugan yihiin meel duleedka ka ah degmadan, ciidamada xoogga dalka ayaa ku baxay arrinkaasi, hase ahaatee ciidankii ayeey iska soo xabadeeyeen waxaana meesha ku dhintay gacan ku dhiiglihii toogtay askariga Jabuutiyaanka ah” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed C/qaadir.

Dilka askariga Jabuutiyaanka loogu geystay Buuloburde waxaa ku baxay madaxweynaha maamulka Hirshabelle, wasiiro, xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi,  maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Goobjoog News