U bood dhigaalka

Askari loo soo waday Soomaaliya oo laga helay cudurka Ebola

Sheeko:Caafimaadka

Sida ay qortay wakaalada wararka Reuters, askari ka tirsan ciidamo gaaraya 800 oo qeyb ka ah askarta AMISOM ee ka socda dalka Sierra Leone isla markaana loo soo waday Soomaaliya ayaa laga helay cudurka halista ah ee Ebola sida ay sheegeen maanta oo talaada ah saraakiil ka tirsan Milateriga Sierra Leone.

Ciidamadan ayaa la qorsheeyay in ay bedel u noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan dalka gaar ahaan gobollad Jubbooyinka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in muddo 21 maalmood ah baaritaano lagu sameynayo ciidamadan la filayo in loo soo daabulo Soomaaliya.

Sierra Leone ayaa qeyb ka ah dalalka ciidamada ay kaga suganyihiin Soomaaliya.

Ma jiro war ka soo baxay taliska AMISOM oo ku saabsan warkan.