U bood dhigaalka

Askari Maanta Qof Shacab Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qof shacab ah waxa uu ku dilay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, qofkaasi oo la sheegay inuu ahaa darwal kaxeeya mootada Seddaxda lugood ee Bajaajta loo yaqaano.

Mid ka mid ah ganactada ku dhaw halka falkaan uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News in askariga dilka geystay uu saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta, islamarkaana askariga uu qoray ku taagay ninkii darwalka ahaa ee dhintay.

Waxaa la sheegay in askariga ay xabadda ka fakatay, islamarkaana marxuumka ay madaxa ka haleeshay.

Intaasi kadib ayaa darawalkii waday gaariga Qooqanta la sheegay inuu soo degay kadibna askariga ku amray inuu qoriga dhigo, saldhiggana lagu xiro.

“Askariga qooqanta ayuu saarnaa, mootada ayaa hor socotay, kadib naga leexo ayeey ciidanka wada dhadheen, qoryihii ay taagayeen ayaa xabad ka fakatay waxayna madaxa uga dhacday darawalkii gaariga Bajaajta halkaasi ayuuna ku dhintay, askarigii dilka geystayna saldhigga Xamarweyne ayaa lagu xiray” sidaasi waxaa inoo sheegay goobjoogaha.

Maamulka degmada Xamarweyne iyo taliska ciidanka Booliiska ee degmadaasi weli wax war ah kama aanay soo saarin dilkaasi ka dhacay degmadooda.

Goobjoog News