U bood dhigaalka

Askari Maraykan Ah Oo Lagu Dilay J/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal ka dhacay gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ayaa waxaa ku dhintey Askari Maraykan ah, waxaana ku dhaawacmay Afar kale oo isla dalkaasi ah.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamada Kumaandoosta Soomaaliyaoo garab ka helaya kuwa Maraykanka iyo sidoo kale Al-shabaab oo dhan ah, waxaana weerarka dagaalka lahaa Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan, waxaana jirta waxyeello soo gaartay ciidamada Kumaandoosta ee iyaguna dagaalkan qeybta ka ahaa.

Dhinaca Al-shabaab waxaa jira khasaare soo gaaray oo dhimasho iyo dhaawac leh, balse weli lama xiqiijin inta uu la egyahay.

Bishii May dagaal ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose, waxaa ku dhintay Askari Maraykan ah, waana askarigii Labaad ee Maraykanka uga dhinta wixii ka dambeeyey sanadkii 1993.