U bood dhigaalka

Askari Qof Rayid Ah Ku Dilay Magaalada Jowhar, Waa Markii 3aad Muddo 2 Sano Ah

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu halkaas ku dilay qof rayid ah, isla markaana uu dhaawacay gabar marxuumka la dhalatay.

Dhacdadan ayaa sida uu sheegayo weriyaha Goobjoog News ee magaalada waxaa ay ka dhalatay muran maalmo socday oo dhex-maray labada nin, murankan oo la xiriiray guri ayaa natiijadiisa waxaa ay noqatay in askariga uu dilo ninkii rayidka ahaa, uuna garabka ka dhaawacay walaashiisa.

Ma aha markii ugu horreysay oo ciidamada ay rayid ku dilaan Jowhar, sanadkii hore labo wiil ayaa lagu dilay magaalada, 2015-kiina waxaa suuqa lagu dhex dilay nin rayid ahaa..dhammaan dilalkaas cidna looma qaban oo waa qaar baxsaday iyo qaar kale oo beelo soo dhex-galeen.

Goobjoog News