U bood dhigaalka

Askari Qof Shacab Ah Ku Diley Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hal qof ayaa Geeriyooday Laba kalana waa ay dhaawacmeen markii askari ilaalo u ahaa mid kamid ah mudanayaasha baarlamaanka uu rasaas ku furay dad shacab ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay qabteen askarigii dilka iyo dhaawaca u geeystay dadka shacabka ah.

Askariga ayaa la xaqiijiyay in rasaasta uu furay markii ay isku xirmeen gadiidka isticmaala wadada Km-4 ee magaalada Muqdisho.

Sidan oo kale marar badan askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa rasaas ay fureen waxay ku dileen dad shacab ah, iyadoo kuwa la qabtayna lasoo taagay maxkamad.

Saraakiisha ammaanka ee gobolka Banaadir faah faahin kama aanay bixin dhacdadan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News