U bood dhigaalka

Askari Soomaali Mareykan Ah Oo Maanta Lagu Maxkamadeyn Doono Dalka Mareykanka.

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka inay ka billaabato qeybtii koowaad ee maxkamad ka dhan ah Maxamuud Nuur oo ah askari ka tirsanaan jiray boliiska Minneapolis.

Maxamuud ayaa ku eedeysan dilka haweeney u dhalatay dalka Australia. Dacwaddaan ayaa bilaabaneysa kaddib markii la soo xulay xeer beegtida qaadeysa dacwadda  waxaana la filayaa inay soo bandhigaan caddeymo la xiriira in Maxamuud uu dambiga galay ama inuu ka madax bannaan yahay dambigaan loo haysto ee ah dilka haweeyneyda.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi doonta qaabka ay dacwaddu u dhici doonto waxayna soo uruurin doonaan oo ay faahfaahin ka bixin doonaan waxyaabaha inta dacwaddu socoto laga doodi doono markaas kaddibna waxaa xigi doona in khareennada u doodaya eedeysanaha oo iyaguna ka jawaabi doona dacwadda loo hayso Maxamed oo mararka qaarna ay dhici karto inay ka gaabsadaan si dib loogu dhigo dacwadda.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in goobta dacwaddu ka dhacayso la keeni doono illaa 200 oo qof oo dhammaantood siyaabo kala geddisan xog uga haya qaabka dilku u dhacay, waxaa sidoo kale imaan doona dad ku xeel dheer baaritaannada lagu sameeyo dambiyada nuucaan oo kale ah. Dhammaan dadkaan waxay soo bandhigi doonaan inta ay ka ogyihiin fal-dambiyeedka dilka ah ee loo haysto Maxamed Nuur oo horey uga tirsanaa Boliiska dalka Mareykanka.