U bood dhigaalka

Askartii AMISOM Ee Lagu Qabtay Falka Xatooyada Oo Lagu Maxkamadeynayo Dalalkooda

Sheeko:Dalka

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Gaashaanle Dhexe Joe Kibet, oo Goobjoog Fm wereysi siinayey ayaa sheegay in ay ka war hayaan ciidamo dhawaan gacanta lagu dhigay iyaga oo iibinaya Agab ciidan, waxa uu sheegay Afhayeenku in ciidamda Shanta ah dhawaan dalka laga masaafurinayo oo lagu maxkamadeenayo dalalka ay kasoo jedaan maadama uu jiro hishiis horay u dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, kaas oo dhigayey haddii ciidamada AMISOM ay dambi galaan in lagu maxkamadeeynayo dalalka ay ka soo jeedaan.

Afhayeenku waxa uu xusay in qabashada raggan ay iyagu gacan ka heysteen oo ay la kala shaqeeyeen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sidii loo soo qaban la haa raggan.

Waxa uu xusay in ay aad uga niyad jabeen markii uu warkani soo gaaray waxa uuna yiri ’’Shacabka Soomaaliyeed nagama filaneyn in sidan oo kale aan u dhaqanno taas oo uu ku tilmaamay in ay ku yeelaneyso saameyn aan wanaagsaneen’’

Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen shan sargaal oo ka tirsan Ciidama Amisom iyo toban ruux oo Soomaali ah oo agab military kala gadanaya.

Dowladda Uganda ayaa dhankeeda sheegtay in ay baaritaan ku heyso ciidamada lasoo eedeeyey waxa uuna sheegay Afhayeenka ciidamada Uganda  Col. Paddy Ankunda in ciidamada Uganda cadaaladda ay wajihi doonaan sida uu yiri.

Horay waxaa u jiray eedeeymo dhowr jeer loo jeediyey ciidamada Afrika ee Soomaaliya jooga  oo ah in ay iibsadaan sahayda ciidan ee la siiyo balse, markaan ayaa si dhab ah loogu qabtay iyaga oo fal xatooya ah ku jira.

Wadamada Midowga Yurub ayaa dhawaan yareeyey lacagtii ay ku bixin jireen ciidamada Midowga Afrika, taas oo saameysay mushaarka ay ciidamaddu qaataan inkastoo aan la hubin sida arrintan loola xiriirin karo gadashada sahaydooda Militiri.

Afhayeen ciidamada Amisom waxa uu Goobjoog u sheegay in ay tahay markii ugu horreeysay ee ciidamadooda lagu qabto fal nuucaan ah.

Goobjoog News