U bood dhigaalka

Asmara: Farmaajo, Abiy Axmed Iyo Isaias Afwerki Oo Maanta Kulmaya

Sheeko:Dalka

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ay maanta ay magaalada Asmara ku kulmayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki .

Yamane G. Meskel, oo ah wasiirka warfaafinta  Eritrea ayaa qoray in galabta uu madaxweyne  Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu tagi-doonto Asmara si uu uga qeyb-galo shirka sadex geesoodka ah oo dhex maraya isaga Abiy Axmed Iyo Isaias Afwerki .

Lama oga ujeedka ay u kulmayaan sadexda nin, laakin wararkan oo faah-faahsan kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News