U bood dhigaalka

Asmara: Shir Maanta Ka Furmaya

Sheeko:Dalka

Shirkani oo lagaga hadlayo iskaashi dhaqaale oo dhexmara dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya ayaa maanta ka furmaya magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi, kan Eratariya Asaias Afawerki iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkani si wadajir ah u qaadan doono.

Wasaaradda arrimaha dibadda qoraal laga soo saaray ayaa lagu sheegay in shirku uu ku saabsan yahay iskaashi dowladahani ay ka sameynayaan xagga ganacsiga, si koboc dhaqaale ay u hiigsadaan.

Xalay saqdii dhexe ayaa magaalada Asmara waxaa ka dhacay heshiis seddex geesood ah oo lagu sheegay in Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya ay wada saxiixeen.

Shirka maanta magaalo madaxda Eratariya ee Asmara ka billaabanaya ayaa qaadan doono 6 illaa 7 September 2018-ka, waana mid si weyn isha loogu hayo, waxa ka soo bixi kara iyo jawaab celinnada ka imaan kara dowladaha gobolka oo aan qeybta ka ahayn gaashaanbuursigani cusub.

Waxaa jirta hadal-heyn ah waxyaabaha keenay in dowladihii kale ee gobolkani ay shirkani ka maqnaadaan sida dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Jabuuti oo iyadu khilaafyo dhuleed uu kala dhaxeeyo xukuumadda madaxweyne Akawerki.

Goobjoog News