U bood dhigaalka

Australia oo $5 Milyan ku bixineysa abaaraha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Australia ayaa ku dhawaaqday in $5 Milyan oo doolarka mareykanka ay ugu deeqeyso Soomaaliya, si wax loogu qabto dhanka beni’aadanimada, gaar ahaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wasaaradda Arrimaha dibada ee Australia ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ugu deeqayaan Soomaaliya ay tahay mid lagu iibinayo dawooyin, cunto, biyo iyo waxyaabo kale oo ay u baahanyihiin qoysaska ay saameysay abaaraha ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Australia ayaa lagu sheegay in dowladdaas ay ka qeyb qaadaneyso la dagaalanka argagixisada, burcad badeedda iyo kuwa sida sharci darrada ah u tahriibaya dadka, ayna sii xoojinayaan taageerada ay siinayaan Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay, si ay gacan uga geystan dib u dhiska Soomaaliya.

“Dowladda Australia waxa ay soo dhaweysay howlgallada Al-Shabaab laga saarayo deegaanno cusub oo ay horey ugu dhibaateyn jireen bulshada, waxaana ugu baaqeynaa AMISOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in ay la shaqeeyan deeq bixiyaasha caalamka ee doonaya inay gacan ka geystaan gurmad u fidinta dadka abaaruhu halakeeyeen” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

13-kii bishii August ayay ahayd markii 15-ka xubnood ee golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku jirto Australia ay soo booqdeen Soomaaliya, iyagoo wadamada caalamka ugu baaqay in Soomaaliya ay ka caawiyaan dhanka siyaasadda, amniga iyo gar gaarka beni’aadanimada.