U bood dhigaalka

Australia Oo Soomaaliya Ka Reebtay Barnaamijka Is-xambaarka

Sheeko:Dalka

Dalka Australia ayaa sheegay in 8 dal keliya loo oggol yahay is-xambaarka halka dalal ay ku jirto Soomaaliya barnaamijkan laga reebay.

Dalalka loo oggolaaday waxaa ka mid ah: the Democratic Republic of Congo, Afghanistan, Eritrea, Ethiopia, Myanmar, Bhutan, Syria iyo Iraq.

Dalalka kale oo laga reebay barnaamijkan is-xambaarka waxaa ka mid ah: Soomaaliya, South Sudan, iyo  Iran, arrintan oo hey’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga ku tilmaameen mid “midab-takoor ah”

Sanadkan 100 ayaa dib-u-dejin loogu sameyn-doonaa dalka Australia, waana barnaamij ay ka faa’ideysan doonaan ilaa 16,250 oo qof.

Barnaamijka is-xambaarka waxaa qoysaska, shirkadaha iyo shakhsiyaadka loo ogolaadaa in ay soo qaadaan dad gaar ah, oo ay geeyaan dalka Australia.

Goobjoog News