U bood dhigaalka

Awaamiir Lagu Soo Rogay Gaadiidleyda Magaalada Garoowe

Sheeko:Amniga

Magalada Garoowe ee Xarunta Nugaal waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay dhinaca Amniga,waxaana ka qeyb galay Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay weheliyaan taliyayaasha Ciidamada booliska, asluubta, badda iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saarayay dhinaca Amniga,xilli dhawaan la filayo in Magalada Garoowe lagu qabto Munaasabada aas’aaska Puntland oo ku beegan 1-da Bisha Agoosto,waxaana kulanka laga soo saaray awaamiir la xiriirta dhanka Amniga.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muduun Axmed Muuse ayaa sheegay in laga bilaabo 31da July ilaa dhammaadka xuska 1da Agoosto hakad la gelin doono isu socodka gaadiidka isaga kala goosha Garoowe iyo magaalooyinka kale.

Awamiirtaan laga soo saaray Amniga Magalada Garoowe ayaa waxaa uu kusoo aadaayaa xilli shalay Madaxweynaha puntland uu kulan isugu yeeray laamaha Amniga Puntland,isla markaana uu faray dardar gelinta dhinaca Amniga inta lagu guda jiro todobaadka dabaaldega Puntland.

Goobjoog News