U bood dhigaalka

Awoodaha ku Loolamaya Suuriya oo Markii Ugu Horeysay Ku Kulansan Vienna

Sheeko:Caalamka

Waxaa Markii ugu horeysay kulan isku soo hor fariistay Vienna dalalka Taageersan Bashaar Al-Asad iyo Dalalka ku eedeeyay in uu yahay Dilaa iyo Dhiigyacab.

Waxaa maanta uu Vienna kulan ugu bilowday dalalka Mareykanka, Ruushka, Turkiga, Iran, Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka, Masar iyo Lubnaan

Kulanka waxaa xegi doona mid kale oo todobaadka dame ah, waxaa looga arin sanayaa sidii xal looga gaari lahaa xaldda qalafsan ee dalka Suuriya.

Dagaalka Afarta sano jirsaday ee dalka Suuriya waxaa looga soo horjeedaa madaxweynaha dalka Bashaar Al-Asad, ilaa iyo hadda  in ka badan 250,000 qof oo rayid u badan ayaa ku dhimatay halka labo u bar dadka reer Suuriya ay dalkaas ka qaxeen, waxaa la sheegaa 11 million ay quryahoodii ka barakaceen.

Russia iyo Iran waxaa ay aad u taageersan yihiin Bashaaer Al-Asa, waxaa ay ka qabaan in uu qeyb ka noqdo xal walbo oo laga gaarayo Suuriya.

Dalal kale sida Mareykanka, Turkiga, Saudi Arabia iyo wadamo ku jira gacanka waxaa ay ku adkeysanayaan in Asada an qeyb ka ahaan Karin Xalka iyo mustaqbalka Suuriya.

Goobjoog News, Warar arimaha dibadda