Awoodda Siyaasadda Dalka oo u Dheeliyaysa Dhanka Baarlamaanka, Ha Ku Daalina Mooshin Lagama Joojin karo inta  Mushkilaaddani Taagan Tahay

Waxaan shaki ku jirin in dalkeennu uu qaatay nimaad baarlmaani ah oo baarlamaanku uu yahay hay’adda ugu awoodda sareysa ee dalka, laakiin awoodda siyaasadeed ee dalka kasta waxaa sal u ah dheelitirka oo jiritaanka ummad kasta sal u ah, dastuuradda dalka waxaa lagu daraa qawaanin cad oo qeeyxaysa dheellitirankaa siyaasadeed oo aaney cidina ku xad gudbi karin, maadaama la ogyahay in haddii awooddu dhinacan u dheellido amaba u janjeersato ay imaankaro takri fal siyaasadeed maamada aanay cid kasta uu khaladku ka dhici karo.

Qodobka 46aad ee dastuurkeenna qabyada ah faqraddiisa 1-aad waxaa ku xusan :

1  . Awoodda is xukunku waxay ka bilaabataa, kuna dhamaataa shacabka, isagoo adeegsadanaya awoodda ah in mar kasta oo loo baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka ku oogi karo la-xisaabtan.

2  . Nidaamka ma tilaadda shacabka waa inuu ahaado mid furan oo qof kasta fursad u siinaya inuu ka qeybqaato habraacyadiisa iyo xeerarkiisana si fudud loo fahmi karo.

3  . Nimaadka ma talaaddu waa inuu ahaado mid isku filan oo macquul ah uga hortagi karo qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada.

Tartanka siyaasadda ee ku xusan qodobka 46aad, gaar ahaan faqraddiisa 3aad hadda waxa uu ka dhex jiraa golaha shacabka iyo fulinta, iyadoo mar kasta looga bartay golaha shacabka inuu keeno xeelado cusub is bahaysiyo siyaasadeed iyo kutlado salka ku haya siyaasad isku xiran oo dano gaar ah leh oo handaad joogta ah ku ah xukuumadaha kolba dalka loosoo dhiso.

Xog uruurin hadda ka hor aan ku sameeyay baarlamaankii 9aad ee wakhtigiisu dhamaaday ayaan ku ogaaday inuu shaqeeyay oo kaliya 12% wakhtigii looga baahnaa inuu dalka u shaqeeyo. Xog uruurintaasi waxay ku salaysneyd u kuurgalid  fadhiyada  baarlamaanka oo aan si gaar ah mudadii 2 sano ahayd ee lasoo dhaafay ula socday waxna aan ka qorayay. Iyadoo waliba mudadaa yar ee kooban inteedii badneyd ay ahayd mid lagu mashquulsanaa mooshinno  ku foorara dhinaca fulinta.

Waxaan ogeyn in heerka tartanka siyaasadeed ee dalka uu gaaray xilliyadii danbe ee sanadkii 2016 meeshiisii ugu sarreysay, taas oo dhalisay in golihii shacabka laga tillaabsado gole cusub oo madasha ahna ay sameystaan madaxda dalka.

Waxaan aaminsanahay in siyaasadda dalka ay ka dheeliyayso dhanka baarlamaanka oo nin kasta oo mas’uul ah oo yimaadda uu ka baqdin qabo iney dhibaato siyaasadeed la yimaaddaan, waxaanuu ka tabaabusheystaa inuu ka sii taxadaro dhibaatadooda oo la ogyahay heerka ay gaarsiisan tahay.

Waxaan qabaa in xukuumadda cusub ee madaxweyne Farmaajo sababtii ku kalliftay in tiradadeeda la badiyo xubno badan oo baarlamaan ahna lagu soo kordhiyo ay tahay xaaladda maanta oo aan ahayn mid la isku halleyn karo, Siyaasadda Soomalidu ay iskaga badatay baryihii dambe laab la kac si fududna niyad jab uga imaan karo taas oo keenaysa in si fudud ay ku kala dhaqaaqaan xubnihii shalay saaxiibada ahaa, taas oo keenaysa mooshinno iyo caqabado siyaasadeed oo aaney ka socon karin xukuumaaddiisa .

Qodobka 90aad ee dastuurka faqraddiisa (o) waxaa ku qoran Madaxweynuhu waxa uu kala diri karaa Golaha shacabka marka ay mudadiisa xilku dhamaato, si doorasho ay u aadaan. Baarlamaanka 9aad shaqadii ugu horreysay ee uu qabto 2012 waxay ahayd inuu laalo mid ka mid ah awoodaha madaxweynaha ee ah kala dirista xubnaha baarlamaanka marka uu dhamaado muddo xileed kooda,  taas oo qeyb ka ahayd dhiilitirka siyaasadda dalka oo xoogaa baqdin ah ayaa halkaa baarlamaanka ka soo waajaheysay dhanka madaxweynaha oo kordhinta muda xileedkooda ku saabsan maadaama uu kala diri karo madaxweynaha.

Maalmahan  waxaa soo baxayay kutlado cusub oo kolba meel looga dhawaaqayo oo la leeyahay waxay soo wadaan mooshin walwalna ku abuuray shacabka oo la leeyahay tolow ma waxay doonayaan iney dalka ka dhigaan sidii baarlamaankii mooshinnada ee 9aad looga bartay.

Haddaba, waxaa iska cad in awoodda dalku u dheeliyayso dhanka baarlamaanka dalka ee side ayaa lagu joojin karaa laguna soo celin karaa dheelitirka siyaasadda dalka ee awoodaha Baarlamaanka, Fulinta iyo Garsoorka.

Awoodaha dowladeed ee dal kastaa way is dhameystiraan waxayna dalkaa ka ilaaliyaan burbur iyo in cid gaar ah awoodda moroorsato dalkana horumarkiisu u xayirnaado siyaasado dano gaar ah oo is diiddan,  ka leexsan tan danta guud ee xubnaha kala duwan ee dowladuhu ku shaqeeyaan loona igmado.

Ulajeedkaygu  maaha inaan dhaliil goonni ah u soo jeediyo xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya maadaama aanan wali arag mooshin la horkeenay baarlamaanka amaba laga doodayo, ayaa hadana waxaa hubaal ah in aan la joojin karin illaa la qaado tallaabooyinkan hoosta ku suxan:-

1 –  In dib loo soo celiyo awooddii madaxweynaha ee kala dirista xubnaha baarlamaanka maadamaa dhanka kale ay wali taagan tahay awooddii baarlamaanka ee xil ka qaadista madaxaweynaha, taas oo keeni karto xoogaa kala baqasho ah iyo cid kastaa iney ku faafto howshii loo igmaday.

2 – In lacag adag lagu xiro mooshinnada ka dhanka ah golaha fulinta ee aan lahayn  sal adag oo sharci ah. Si ugu yaraan loo xakameeyo nidaamka mooshinnada iska riyada ah.

3 – In la adkeeyo nidaamka isla xisaabtanka, golaha shacabku ay si adag oo daahfurnaan ah ula xisaabtamaan xukuumadda shacabkuna uu la xisaabtamo  golaha wakiilka ka ah si dastuurka dalka waafaqsan.

4 – In nidaamka garsoorka dalka la adkeeyo oo la dhameystiro awooddiisa gaarka ah, cidna aaney si goonni ah uga faa’ideysan.

Si kastaba, cabsida ugu weyn ee na haysaa waxaa sal u ah in baarlamaankan 10 aad ay ku dhacdo tii qabsatay baarlamaankii 9-aad oo aan waxba ka qaban qodobaddii ugu muhiimsanaa ee dastuurka ee ay ka mid yihiin 5 cutub ee ay ku jiraan awoodaha madaxweynaha, qeybsiga kheyraadka dalka. Sharcigii maamulgoboleedyada, nooca federaalka ee Soomaaliya ay u baahan tahay, dhameystirka shurcuudii garsoorka dalka, qodobadaas oo aan is leeyahay wakhtiga uu baarlamaanku uu haysto haddii uu si fiican uga shaqeeyo in 2020 la gaari doono dowlad shacabka matasha oo qof iyo cod ku timaadda xisbina ku saleysan.

Ugu dambeyn,  baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku shaaabadysan sheekadii ahayd Cali Beenaale oo haddii mooshinka ay keenaan uu  dalka dan u yahay, dadweynuhu ma aqbalayaan, maadaama magaca mooshin ay dadku sas ka qaadayaan, kulaykiisuna horey loogu gubtay illeen waxa uu salka ku wataa sicirbarar siyaasadeed iyo ammaan xumo shacabka soo ragaadisay.

W/Q: Khadar Xuseen Maxamed

Email: Khadarhalgan1@gmail.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW