U bood dhigaalka

Axmed Baasto: Dowladdu Shalay Ma Ahayn In Madaxweyne Kale Ay Ku Dhawaaqdo

Sheeko:Dalka

Axmed Baasto oo mar sheegtay in uu yahay madaxweynaha Galmudug ayaa dowladda ku dhaliilay in iyada oo uu jiro khilaaf in maadxweyne kale ay Dhuusamareeb kaga dhawaaqday.

Axmed Baasto oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa yiri “Dowladdu in ay shalay dib u dhigto oo aysan madaxweyne kal ku dhawaaqin ayay ahayd gogashii ay wadana ay u yeerto Sheekh Shaakir iyo Xaaf”

Dhinaca kale Baasto waxa uu sheegay in uu aaminsanahay haddii la isku tanaasulo in uu u arkayo in laga shaqeynayo danaha iyo maslaxadda ummadda reer galmudug.

“Haddii labadani tanaasulayaan hal nin uu ku soo harayo Galmudug waxaan u arkaa in boqolkiiba boqol in danaha iyo maslaxadda Galmudug laga shaqeynayo” ayuu hadalkiisa raaciyay Baasto

Waxaa isi soo taraya baaqyada iyo dhaliilaha loo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan doorashadii shalay ka dhacday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Doorashada Lagu Doortay Axmed Qooqoor waxaa qaadhacay  saddex koox:

(1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer,

(2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan

(3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale.

Goobjoog News