U bood dhigaalka

Axmed Cali Gees “Waan Isaga Baxay Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Axmed Cali Gees oo ka mid ahaa Xarakada Al-shabaab ayaa maalintii shalay ahayd waxaa xabsiga degmada Cadaado dhigay ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya.

Mr Gees oo saxaafadda loogu geeyay xabsigii uu ku jiray ayaa sheegay in isagu xilligaan aanu ka mid ahayn Al-shabaab islamarkaana uu ka baxay sanadkii 2013-kii, xilligii horena uu ahaa oo kaliya taageerro Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anigoo ah Axmed Cali Gees, jooga dowlad gobaleedka Galmudug Cadaado, maanta waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed aan u sheego inaan ururka Shabaab la yiraahdo inaan ka baxay sanadkii 2012-kii, illaa waqtigaasna aan ka mid ahayn, markaan dareemay qaladaad badan oo xagga diinta ah markii horena arrimahaasi aan u taageerayey ayaan isaga soo baxay oo aan ka imid degmada Baraawe, waxaan 2012 illaa iyo haatan aan ku sugnaa Cadaado aan ahaa nin culumo ganacsade ah” ayuu yiri Axmed Cali Gees.

Axmed Cali Gees oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in uu ugu baaqayo dhallinyarada Soomaaliyeed in aysan ku sirmin Al-shabaab, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda iyo amnigiisa waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News