U bood dhigaalka

Axmed Diiriye oo rajo wanaagsan ka muujiyey maamulu dhisidda Gobolladda dhexe

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay jaro wanaagsanm ka qabaan in lagu guuleysto dhowaan dhismaha maamulka gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in qaban-qaabada shirka maamul u sameynta gobalda Mudug iyo Galgaduud ay ka soconayso magaalada Cadaado isla markaana Ciidda kadib ay shirka qabanayaan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in haddii la helo maamul mideeya shacabka gobaladaasi inay meesha ka bixi doonaan dhibaatooyin fara badan oo iminka heysta dadka Mudug iyo Galgaduud deggan.

Dhammaan dadka ka soo jeeda gobalada dhexe ayuu ugu baaqay inayka qeyb qaataan dhismaha maamulkaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid dan u shacabka shacabka ku nool gobaladaasi.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xasan oo wareysi siiyay Goobjoog FM waxa uu sheegay in shirka uu maalmaha foodda nagu soo heysa ka dhici doono magaalada Cadaado, ayna diyaariyeen meelihii ay degi lahaayeen ergooyinka ka qeyb galaya shirka.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb uu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, halkaas oo muddooyinki dambe ay gaarayeen wufuud ka kala socota gobollada Mudug iyo Galgaduud.