U bood dhigaalka

Axmed Macallin Fiqi: Dacwad Ayaan Ka Gudbineynaa Wasaaradda Amniga

Sheeko:Dalka

Axmed Macallin Fiqi oo ah xoghayaha guud ee xisbiga Daljir ayaa wareysi gaar ah oo maanta uu siiyey Gooboog News waxa uu ku sheegay in dacwad ay ka gudbin doonaan wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya kadib markii wasaaradda ay soo saartay warqad ay ku amrayso hoteellada in aan lagu qaban shir aysan wasaaraddu fasixin.

Waxa uu sheegay in warqaddaasi ay ahayd mid sharci darro ah islamarkaana la hareer maray Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

“Warqaddaasi kasoo baxday wasaaradda waxay ahayd mid sharci darro ah, wax sharci ah oo ay ku qotontay iyo sharci ay daliilsanayso aysan jirin, warqad af Soomaali ah oo Saddex leen ah oo iska qoran hoteellada lagu amrayo inaan lagu shiri karin oo aan wax sharci ah ku fadhin sharcina aan soo daliilsan waxaan u aragnaa arrintaasi Dastuurka Federaalka qodobka 20-aad farqaddiisa 1-aad, kaasi oo dhahaya qof kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu abaabulo kana qeybgalo kulamo ama bannaanbax si xasilooni ah cabasho loogu muujiinayo iyadoo aan ogolaasho loo baahneen, wax ogolaansho ah xitaa madaxweynaha u sarreeya looma baahna, Dastuurka ayaa sheegaya madaxweynaha Dastuurka ayuu ku dhisan yahay, wasaaradda amniga iyo wasaaradaha kalena Dastuurkan inay ilaaliyaan oo ixtiraamaan baa laga raabaa”

“Warqaddaan waxaa ku qornaa si la isaga ilaalino Al-shabaab, Al-shabaab hoteelada lagama ilaaliyo dhexdooda ee waxaa laga ilaaliyaa bannaanka, Hoteelka waa meel nabdoon oo dadka howlahooda ku qabsanayaan amniga haddii la sugayo bannaanka ayaa laga sugaa ee gudahiisa iyo howlashiisa lagama sugo, waxaan arrintaan u aragnaa mid aan sharciga ku fadhin, waxay leeyihiin warqad iyo idin hanalaga soo qaato” ayuu yiri Fiqi

Wasaaradda amniga ayuu sheegay in howlo muhiim ah ay hayso balse dacwadda ay ka gudbinayaan ay la xiriirto oo kaliya warqadda ay dhawaan soo saartay.

“Annaga horta wax hadda nahor istaagay ma jirto, annaga waan soo jirnay waana shaqeyneyanay, waa annagii Ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha dacweynay, haddana wasaaradda amniga ayaan dacwad ka gudbin doonnaa, taasi oo ku saabsan warqaddii u dambeysay, waxaan aaminsannahay inay dalka u adeegto, ka shaqeyo laakiin warqaddii darraad ay soo saartay waxay ahayd mid sharciga hareer marsan islamarkaana aan loo dul qaadan doonin, waxaan rabnaa in wax walbo aan si sharci ah u marno, loo dhaqaaqo dowlanimada dhankeeda, la is dacweeyo, la is maxkamadeeyo”

Goobjoog mar ay wax ka weydiisay Fiqi waxa xilligaan oo dalka doorasho galayo kusoo beegay arrintan ayuu ku sheegay inay tahay in la doonayo in la caburiyo musharrixiinta kale loona gacan qabto madaxweyne Xasan oo isaguna musharrax ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa Gacmo qabasho loo gacmo qabanayo dalka murashaxiinta tirada badnaa ee dalka imaanayey iyo dimuqraadiyaddii dalka la rabay inuu ku tallaabsado iyo xorriyaddii la doonayey in dadku ololahooda u qabtaan in la rabo in la gacmo qabto oo loo gacmo qabto murashaxa hadda xilka haya, Madaxweyne Xasan Sheekh oo musharax ah inuu u adeegsado hay’adihii amniga iyo hay’adii dalka oo dhan inuu unba adeegsado isaga maslaxadiisa gaarka ah, laakiin taas ma soconeyso, dalkaan waa la wada leeyahay, dalkaan caburis iyo wax la mid ah wuu soo arkay, hoggaamiye kooxeed baa ugu dambeeyay oo dhihi jiray lama mudaaharaadi karo iyo wax la mid ah, waxaas oo dhan maanta xaggee joogaan, marka waxaan leenahay runtii waxaa kusoo aadiyey arrintaan aan soo sheegay mana ahan mid soconeysa waana arrin aad u fashilan”

Mar haddii warqadda ay caddeynayso inaan la qaban karin shirar ama kulamo siyaasadeed aysan ka wara hayn wasaaradda amniga ayaan xoghaye Axmed Macallin Fiqi waxaan su’aalnay ka siyaasiyiin ahaan arrintan culeyska ay u keeni karto.

“Culeys wey ku keenaysaa, haddii la yiri musharaxa rabo inuu barnaamij qabsado wasaaradda warqad haka soo qaato culeys xooggan bay ku keeneysaa, kalsooni xumo bay dalka gelinaysaa doorashooyinka soo socda, waxay kenaysaa in 2012 aan ogeyn Lix bil olole Xasan Sheekh tabeelihiisa meel walbo iska surnaa meel walbo marayey oo dadka u ol oleynaya meel walbo joogaan, isaga oo taasi og haddii uu maanta caburis isku dayo dalka dib baa loo celiyey meel adag buu uga tagayaa taasna cid ay faa’ido ugu jirto malahan, saameyn bay leedahay walwal xooggan waan ka qabnaa”

Goobjoog News