U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Aan La Dagaalanno Kuwa Xaalufka Ku Haya Deegaanka”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dhibta ugu weyn ee ka taagan deegaanno ka mid ah Jubbaland ay tahay xaalufka lagu hayo dhirta.

Wuxuu sheegay in dhulka uu nabaad guuray, taasina ay ugu wacan tahay qof Soomaaliyeed oo jaraya geedihii si dhuxul uu uga shito.

Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in shaqsiyaadka xaalufka ku haya deegaanka loola dagaallamo sida Al-shabaabka oo kale.

“Xaaluf badan baa deegaankan ku dhacay, waxa ugu badan ee xaalufka ayaa ah dhirta la jaro ee dhuxusha laga jaro..xitaa roobkii wuu yaraaday, maanta waad aragtaan waxa ku dhacay, waxaan rabnaa inaan la wada dagaallanno kulligeen kuwa xaalufka wada, aan u aragno qofka geedka goynaya inuu qof Soomaaliyeed goynayo”

Deegaannada Jubbaland ayaa ah meesha ugu badan ee la sheego iney ka jirto xaalufinta dhirta, iyadoo dhirta la jaro laga dhigo dhuxul.

Goobjoog News