U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “DFS Lugaha Ugama Hayno Qabiil Ahaan Iyo Dowlad Ahaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka diidday wadahadal ay la gasho maamulkiisa.

Wuxuu tilmaamay in dedaal badan ku bixiyeen sidii ay madaxweyne Farmaajo ugla hadli lahaayeen khilaafyada jira, balse arrintaasi ay meesha ka baxday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu la kulmay guddoomiyaha aqalka sare, islamarkaana ka dalbaday in madaxweynaha la hadalsiiyo, balse arrintaasi aysan dhicin.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in aysan dowladda lugaha uga hayn arrimo qabiil, shaqsi iyo mid dowladeeda, balse la isku hayo oo kaliya ku dhaqanka shuruucda dalka u taalla.

Dadbadan dareenkoodu wuxuu yahay inaan annaga dowladda federaalka kasoo horjeedNa oo lugaha hayno, qabiil ahaan lugaha uma hayno, shaqsi ahaan lugaha uma hayno, dowkad ahaan lugaha uma hayno ee waxaan leeyahay waxaan ku heshiinnay aan ku dhaqanno, waxaa noo yimid guddoomiyaha aqalka sare oo wafdi wata, waxaan ku iri guddoomiye qoorteyda intaad qaaddo oo madaxweynaha Jamhuuriyadda lugtiisa ku xirto oo taa ku kala baxno, laakiin jawaabta uu isoo siiyey waxay ahayd qoortaada meel aan ku xiro waan waayey

Ugu dambey, Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe iney waddo qalaase siyaasadeed, islaamarkaana ay ku burburineyso maamullo dhisan.

Goobjoog News