U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Dhowr Cisho Oo Shaqo Ayaa Xamar u Tagney, Guulbuu Ku Soo Dhammaadey

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu soo dhaweeyey wahadala u socda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in meel wanaagsan marayaan arrimaha wadahadala.

Axmed Madoobe oo arrintan ka hadlayo waxaa uu yiri “  Wada hadal dheer baan galnay, wax badan oo xaaladda dalku ku jiro iyo maxaa nala gudboon, ummadan sidee lagu badbaadiyaa, horumarka iyo wax walbo waan ka wada hadalnay, waxaana filayaa wax badan baan isla soo meel dhignay”.

Arrimihii Khilaafka waxaa uu Axmed Madoobe ka dhahay “ Soomaalida maanta xilli adag ayey ku jirtaa, dagaalka Shabaabka oo si dhib batay, jiilaalbaa hadda la galay, in badan in siyaasadda la isku xagxagto, oo la isku jiijiito waxaa ka fiican  in dalka loo tanaasulo, oo dadka loo turo, oo laga shaqeeyo side dalka loo xureeya ee siyaasadda dad dan uma aha….waxaan u maleynaa dhowr cisho oo shaqo ayey aheyd, guul buu ku soo dhammaaday”.

Goobjoog News