U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Dowladda Federaalka Waxaa Ay La Safatay Qaar Ka Mid Ah Dowladaha Khaliijka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhaliilay go’aanka ay dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya dowladaha Khaliijka, isaga oo sheegay dhexdhexaadnimadii ay qaadatay dowladda in si dhab ah aan looga dhabeyn.

Axmed Madoobe oo maanta ka soo laabtay Safar uu ku aaday Imaaraadka Carabta ayaa caddeeyay in dowladda dhexe ay la safatay qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka oo muranka diblomaasiyadeed uu ka dhaxeeyo dowladdana aysan u fulin go’aankeeda qaab ku saleysan dhexdhexaadnimo.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “ Dhexdhexaad aan istaagno oo sharafteenna aan ilaalinno, oo waliba aan arrintaasi wixii dhexdhexaadnimo an ka geysan karno aan ka geysanno taas ayaan anigu ku talinayey, ma aanu u jeedin in Qatar la cunno-qabateeyo oo la go’doomiyo oo meel laga rido oo lala dagaalamo,waxaa is weydiin mudan arrintaas ma u socotaa sidii shalay qorshuhu ahaa, jawaabtu waa maya dowladdu waa ay kala xigsatay, Qatar Jufaa lala noqday, kuwii kalana waa laga xigsaday, war annagu Soomaali ayaan nahay dagaalka Khaliijka wax naga quseeyo maahan Carab haddey dagaallameyso dhulkeeda haku dagaalanto, maxaa sababaya annaga inay noqoto ciideenna, sharafteenna iyo dadnimadeenna dadka is heysta in ay wax nagaarsiiyaan”.

Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay taageeradii looga baahnaa in dowlad-goboleedyada ay ka siiso dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxaa aad u haboon in ay dareento dowladda dhexe Mas’uuliyaadka ka saran dowlad-goboleedyada, ma jirto dowladda dhexe wax ka soo gaaray Jubbaland mudadii ay jirtay”.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxaa uu soo maray Itoobiya uu kula soo kulmay Cabdikariim Qalbi Dhagax,isaga oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Goobjoog News