U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Goluhu Waa Muqadas, …May be Inaan Hoggaan Sameysanno ayaa Laga Yabaa

Sheeko:Amniga

Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ka hadlay shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka socda Garoowe ayaa ku dheeraaday arrimaha amniga isaga oo sheegay in dowladda federaalka ah aaney u socon la dagaalanka Al-shabaab, oo laga yaabo inay wada hadal kula jirto.

Mudane Madoobe oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Arrimaha amniga waxaan isleeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee shir walba laga hadlo, waa laga hadlaa amniga, waa la calaacalaa, waxbaa laga sheegaa, waxna kama socdaan, xogga waxaa igu yara cusub, dowladaha Soomaalidu marka hadda dowladdii Cabdillahi Yusuf qolada muqaawamada Djibouti loo xuubsiibanayey, hoosbaa wax laga guri jiray, malaha dowladdu waxbaa hoos laga guraayoo, qolada Shabaabku heshiisbaa ka soo socdoo, dagaalkaa la diidanyahay baan is leeyahay, armaan xilli kala guur ah ku jiraa oo innaga degdegeynaa ayaan is leeyahay….ma jiraa in lala dagaalamo waa maya, taasi waxaa ay keentay jidkii Maka Al-mukarama oo awal isaga la mari jiray in isaga meel walbo laga xiray isaga laftiisa lagu socon waayo,

Mudane Axmed oo ka hadlayey doorashooyinka waxuu yiri “Arrinta doorashooyinka guddi malaha, dowldda dhexe keligeedna ma laha, waxaan ku heshiina ma jirto, waxaan ku heshiinay mabaa’iid, laakin wax la yiraa hal deegaan doorasho waxbo kama jiraan, ma aha wax ay cidi yeeri karto…ma gaari karaan, cid gooni kuma qanci karto Soomaaliya doorasho noocaas iyo noocaas ayaa dhaceyso, oo aan inta naga waxba ka ogeyn, Soomaaliya kama dhici kareyso, horay ugama soo dhicin, maantana kama dhacesyo, talada wadanka waa naga dhaxeysaa,

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxaa uu ka hadlay sida ay hoggaan cusub ku dooran karaan “Waxaa ay ila tahay mas’uuliyadda la saaray waa garaneynaa, dowladdana waa ku boorineynaa inay dib u soo noqoto, ay timaado miiska wada tashiga, CIC dhismaheeduna waa shey muqadas ah, meel looga wareeganayo ma leh waa dastuuri, haddii ay intaa ka sii tagtana, wax ka weyn oo kale ayaa sii dooraneyaa may be inaan hoggaan sameysanno ayaa laga yabaa”.

Goobjoog News