U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Ha isku calool fiyoobaadaan beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Hogaamiyaha maamulka ku-meel gaarka ee Jubba ayaa ku baaqay in ay heshiis rasmi ah wada gaaraan beelaha wada dega gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Axmed Maxamed (Axmed madoobe) oo war fidiyeenka kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka abaaraha ka soo gaaray shacabka degan gobolka Gedo ay sii kordhayaan taasina dadku ay kaga bixi karaan in ay isu gurmadaan.

Waxa uu xusay in loo baahan yahay xilligan in beeluhu ay heshiiyaan si ay isugu gurmadaan waqtigan oo abaar ay ka jirto deegaano badan oo ka mid ah gobolada Jubbooyinka iyo Gedo halkaasi oo biyo la’aanta ka jirta ay dad ugu dhinteen.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmay xilli magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ay ka socdaan kulamo lagu sheegay in ay lagu heshiisiinayo dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe: