U bood dhigaalka

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo Sheegey in Ay Isu Bahaysanayaan Hiigsiga 2016-ka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegey in heeshiis hordhac ah oo ay labada maamul gaareen uu ujeedkiisu yahay in maamul goboleedyada ay iska kaashadaan hiigsiga 2016-ka, isku aragtina ka noqdaan.

“Waxaan rabaa in aan si kaftan ah hawada ugu mariyo hadal dowladda federaalka, haddii markii hore xildhibaanada ay keeni jireen mooshin, hadda maamul goboleedyada ayaa mooshinka keenaya” ayuu yiri Axmed Madoobe oo intaasi ku daray in uu gogol fidinayo magaalada Kismaayo si dhamaan maamul goboleedyada isugu yimaadaan, hal aragtina ka yeeshaan arrimaha dalka.

Shariif Xasan oo isna hadlay ayaa sheegey in lasoo dhaafay xiligii baasaboorka loo doonan jirey magaalada Muqdisho, islamarkaasina lasoo gaaray xiligii degmo kasta laga heli lahaa dhamaan adeegyada sida caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha kale.

“In qolo gaar ah wax maroorsato waxa ay keeneysaa uur xumo, waxaa la rabaa in maamulka la daadajiyo, islamarkaasina ay timaado in kheyraadka la qeybsado” ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariifka ayaa maanta ka dhoofey Kismaayo, waxana labada maamul kala saxiixdeen heshiis.

Dhageyso

 

Goobjoog News