U bood dhigaalka

Axmed Madoobe iyo Xubno Ka Tirsan isbadal Doonka Jubbaland oo Maanta Dib Ugu Laabtay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhowaan heshiiska la gaaray maamulka Jubbaland ayaa maanta  dib ugu laabtay Magaalada kismaayo.

Axmed Madoobe oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumada Jubbaland waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay.

Qoraal shalay ka soo baxay xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay heshiiska magaalada Nairobi ay ku galeen madaxda Jubbaland iyo xubnihii mucaaradsanaa maamulka Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya oo iyadu horey u qaadacday doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe ayaan wali wax war ah ka soo saarin heeshiiskaan ay wada gaareen siyaasiyiinta Jubbaland

Goobjoog News