U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Lama Qiyaani Karo Xuduudda Aan La Leennahay Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, markii ugu horreysay wuxuu ka hadlay darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xuduudda aan la qiyaami karin, islamarkaana madaxda Labada dal ay dhowaan ka wada hadli doonaan arrinta xuduudda, lagana gaarayo go’aan siyaasadeed.

Sidoo kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay goobjoog ka ahaan doonaan wadahadalladaasi.

“Horta arrinta xuduudda waa heer qaran oo waxaa ka wada hadli doono madaxweynaheenna iyo madaxweynaha Kenya, go’aan siyaasadeed baana laga soo saarayaa, annagane ka maamul ahaan goobjoog baan ka ahaan doonnaa, xuduudda ma ahan wax la qiyaani karo, waana wax la wada ogyahay” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Dowladda Kenya ayaa degmada Balad Xaawo ka bilowday dhismaha darbi-dheer oo ay sheegeen in ay ku xakameynayaan xuduudda, waxaana ay gudaha usoo galeen degmadaasi, taasi oo keentay in ay ka carroodaan shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay war kasoo saarto arrinta xuduudda, iyadoo marar badan dowladda Kenya ay kala hadashay arrinta darbigan.

Goobjoog News