U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Dowladda ka Dalbaday Sugidda Amniga Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga

Maamulka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka ka dalbaday ka shaqeynta isku keenista shacabka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam Axmed madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay shaqadeedii gabtay, bedalkii ay ka shaqeyn lahayd nabadana ay farogelin gudaha ah ku hayso maamulkooda.

Waxaa uu tilmaamay in Maamulka Jubbaland had iyo jeer uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo si gaar ahna ay kala shaqeynayaan dhanka Ammaanka.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay Axmed Madoobe in ay muhiim tahay in DFS ay wax ka qabato ammaanka Magaalada Muqdisho si ay bulshada u helaan ammaan ay ku kalsoonaan ka raan waxaa uuna yiri.

“Waxaan rabaa in aan kula dardaarmo Madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya in uu hamigooda iyo Fakarkooda Culeyskooda ay isku geeyaan badbaadinta dadka ay Mas’uulka ka yihiin, haddey sidaas sameeyaan haddaan annaga ka hor imaanno waxaan nahnay kuwo caasiyaal ah oo dambiilayaal ah, balse markii aan annagu aan intaas diyaar la nahnay oo dowladdiina amnigii nooga baxeyso Maanta waxaad arkeysaa in Ciidankii Fedaraalka sida ay yihiin lama sheegi karo waa nasiib xumo”.

Axmed Madoobe waxaa sheegay in dowladda Fedaraalka looga baahanyahay in ay sugto amniga Caasimadda gaar ahaan wadada Makah-Almukaramah iyo xarumaha dowladda sida Madaxtooyada.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa yilmaamay in Maamulka iyo shacabka Jubbaland ay diyaar u yihiin in Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan xasiloonida dhanka ammaanka.

Goobjoog News