U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Sheegay In Mar Kale Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Lagu Qabanayo Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxawaynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmad Madoobe ayaa sheegay in shirka madasha wadatshiga qaran sixiisa halka ay ka dhacayso ay tahay magaalada Kismaayo.

Axmad Madoobe ayaa tilmaamay iney marti gelinayaan gogosha xigta shirkii natiijo la’aanta ku dhamaaday ee Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay in markii horaba ay jeclaysanayeen in miro dhal wanaagsan ay kasoo baxaan shirkii ay waqtiga badan geliyeen hayeeshee dadka Kismaayo iyo madaxda Jubbaland oo bartay marti gelinta gogosha kale aysan waxaba la ahayn.

Hadalkaan ayuu xalay ka sheegay xaflad ka dhacday magaalada Kismaayo oo ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida Jubbaland tababar loo soo xirayay.

Axmed Madoobe hadalkiisaan kasoo yeeray ayaa imaanaya iyadoo 18-kii bishan uu fashil ku dhamaaday shirkii madasha Wadatashiga qaranka ee nooca doorasho.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dowladda Federaalka ay go’aan ka gaari doonto halka lagu qaban doono shirkaan xiga midkii fashilmay ee Kismaayo.

Dhinaca kale weli ma cadda in dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada kale ee dalka ay ku qanacsanyihiin hadalka Axmed Madoobe iyo in kale, xilli madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu sheegay in aanu fashilmin shirkii Kismaayo.

Goobjoog News