U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland

Sheeko:Dalka

Waxaa soo dhammaatay doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa doorashadan ka qeybgalay Saddex musharrax, iyadoo xildhibaannada Jubbaland ee codeynaya tiradoodu ahayd 73 mudane.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku guuleystay doorashadan oo ku dhammaatay wareegeedii Koowaad, waxayna natiijada tahay sidan:

1- Axmed Maxamed Islaam wuxuu helay 56 cod

2- Canab Maxamed Daahir waxay heshay 17 cod

3: Maxamuud Muxumed Cumar wuxuu helay 1 cod.

Doorashadan ayaa ku dhacday si nabad ah, iyadoo ammaanka uu ahaa mid aad loo adkeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News