U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Ku Taliyay In Ciidanka Soomaaliyeed Lagu Wareejiyo Sugidda Amniga Xarumaha Dowladda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa ka hadlay amniga guud ee dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in amniga dalka uu faraha kasii baxayo.

Waxa uu sheegay in dalka ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo qarash lagu bixiyo welina aanu amniga sugneyn, isaga oo tilmaamay in dhibaatada ay qeyb ku leeyihiin Soomaalida oo uu sheegay inay sugayaan oo kaliya ciidamada shisheeye.

“Amni hadii aanu jirin lama gaari karayo kala dambeyn, iyadoo ciidamo tiro badan ay joogaan, la leeyahay qarash badan baa baxaya ayaa hadane waxaad moodaa in amnigii faraha kasii baxayo, dhibka waxaan is leeyahay Soomaalidaa lug ku leh, sababtoo ah inay yiraahdaan ciidamada shisheeye ayaan sugeynaa inay wax inoo qabtaan, meel na gaarsiiyaan baan sugeynaa, inay amnigeenna sugaan baan sugeynaa waa arrin iska adag, inay iyadu xisaabtanto isku tashato ciidankeeda la abaabulo baa axsan ah” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in beesha caalamka ay ka gaabiyeen dhismaha ciidankii Soomaaliyeed iyo ciidanka AMISOM ee jooga dalka, dhaqaalaha uu u baahnaa iyo tabashadooda aan la buuxin laguna daba gelin howlgalkooda.

Dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayuu sheegay in looga baahan yahay inay dib isku weydiiyaan amniga oo ay is xisaabiyaan, maadaama ay soo bateen qaraxyada iyo dhibaatooyinka soo gaaraya dadka shacab ah.

Al-shabaab ayuu sheegay in ay yihiin cadow u baahan in loola dagaallamo sida cadowga oo kale, waxaana dhibaatada ugu weyn uu sheegay inay tahay in markii dad Al-shabaab ah la qabto uu imaanayo qabiil doonaya inuu shaqsiga la hayo sii daayo, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in arrintaasi ay ka waantoobaan.

Waxa uu ku taliyey Axmed Madoobe in dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada laga qaado ciidamada AMISOM ee waardiyeenaya lana faro inay dhistaan ciidan Soomaaliyeed oo amniga sugaya.

“Talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa dowladda ha noqoto ama maamul gobaleedyada ha noqdeen in kulligood laga qaado ciidamada AMISOM ee waardiyeenaya oo qolo walbo ay iyada is ilaaliso, horta hala ogaado amniga waxa uu yahay, laga billaabo Villa Soomaaliya in laga qaado ciidamada AMISOM ee jooga oo la yiraahdo ciidan Soomaaliyeed oo idiin waardiyeeya dhista, micnaha taas ka imaan karto waxa weeyaan in horta la ogaado amniga, laakiinse hadii la yiraahdo nin walbo intaas ciidan baa igi hareereysay amni aan u baahanahay ma jirto marka in la wada dhadhamiyo aad bay u wanaagsna tahay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Axmed Madoobe.

Goobjoog News