U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Waxaa soconeysa diyaarinta soo dhoweynta madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo uu la kulmi doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ulajeedka socdaalkiisan ayaa ah sidii loo dhammeystiri lahaa xallinta mad-madowga ka dhex jiray DFS iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

DFS iyo Jubbaland waxaa ka dhaxeeyey khilaaf xooggan, hase ahaatee safarkii Kheyre ku tagay Kismaayo ayaa lagu xalliyey khilaafkaas.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News