U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo La Kulmay Safiirka Mareykanka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Madoobe  ayaa hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay ku qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Larry Edward André, Jr.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay tageerada Maraykanka ee Soomaaliya, dagaalka Al-shabaab oo mareykanku uu ka taageero Soomaaliya  iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana ay kawadaan kulamo gaar gaar ah oo ay la leeyihiin wakiillada kala duwan ee beesha caalmka ee ku sugan Muqdisho.

Goobjoog News