U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo Sheegay Gobolka Gedo in Aysan Ka Dhici Karin Doorasho Ilaa Laga Saaro Ciidanka Dowladda

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada maamulka Jubaland, Madaxweynaha ayaana munaasabadda furitaanka ka jeediyey  Khudbad, taas oo uu uga hadaly dhinacyo badan oo  xaaladda jubbaland ah.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay Markii dib loo doortay sababta uu ilaa hada Xukuumada usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubaland oo dhan ah taas oo ilaa hada guulo la taaban karo laga gaaray.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hada wixii ka danbeeya uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ka dhabaysa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in dhibaatada ka taagan Gobolka Gedo ay tahay waxa ilaa hada uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa isla markana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan Dowlada Federaalka balse ilaa hada ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay wado Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka Degmada Afmadow isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada Degmooyinka kale gaar ahaan Gobolka Gedo

Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jigaysa wadada Hormarka.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kahor Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah xal laga gaaro Arimaha u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arinta Gedo wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in iyadoo ayna Gobolka tagin Maamulka Gobolka Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland Dowlada Federaalka ahna aanay Ciidamadeeda kala bixin Gobolka ayna dhici karin Doorashada Xildhibaanada qaybta loo asteeyay Magaalada Garbohaareey.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Jubaland shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland.

Goobjoog News