U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Sheegay In Ay Qaadayaan Dagaallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta waxa uu kormeer ku tagay xarunta Akadeemiyadda ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaasi oo 29-kii bishii tagtay weerar ay ku qaadeen Xarakada Al-shabaab, waxaana ku sugan ciidamo ka mid ah Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, ka dib safar uu ku tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana markii uu kasoo degay Garoonka Kismaayo uu toos u aaday xarunta la weeraray.

Markii uu halkaasi gaaray waxa uu kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Jubbaland ee halkaasi ku sugan, waxaana uu ka xaal wareystay xaaladooda guud iyo arimo kale.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ku amaanay ciidamadii halkaasi ku sugnaa qaabkii ay isaga difaaceen weeraradii Al-shabaab, waxaana uu sheegay in dhawaan la qaadi doonaan dagaallo ka dhan ah Ururkaasi.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dalka Itoobiya intii uu ku maqnaa waxa uu heshiis kula soo saxiixday dowladda Itoobiya, waxaana ka mid ah heshiiskaasi in bisha maanta bilaabatay la qaado dagaallo lagu baacsanayo Al-shabaab.

Goobjoog News